Xog: Cabsi sababtay in Xasan Sheekh ka baaqdo shir uu la yeelan rabay Soomaalida UK

London (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday shir uu la qaadan lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.

Sababta uu Madaxweynuhu kulankaas uga baaqday waxaa lagu sheegay in ay jirto cabsi laga qabay in ay dhacdo fowdo isaga ka dhan ah oo si hoose loo abaabulayey.

Dadka kasoo kala jeeda Puntland iyo HirShabeelle ee ku nool UK ayaa damacsanaa in ay sameeyaan fowdo iyo buuq, waxayna dadkaas ka cabanayaan in Xasan Sheekh uu hoos u dhigay metelaada ay ku keeyihiin xukuumadiisa.

Beesha uu metelo Xildhibaan Xaadoole oo kamid ah beelaha cabashada qaba ayaa ku doodeysa in Madaxweynuhu uu lumiyay xuquuqdii ay lahaayeen dowladda federaalka.

Sidoo kale, beelaha Puntland ay gabi ahaanba diidan hab maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xogta la helay ee sheegeysa in la carqaladey rabay kulanka Jaaliyadda iyo Madaxweynaha, taas ayaa sababtay in la baajiyo shirkaas.

Waxaa xusid mudan in magaalada London laga kireeyey hoolkii uu Madaxweynuhu kula shiri lahaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK ku nool.

Xasan Sheekh oo sanad iyo bilo xafiiska jooga ayaa wajahaya mucaarado badan oo uga imaanaysa siyaasiyiinta iyo beelaha qaar.

Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus dalka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Muqdisho ku qabtaan shir xasaasi ah oo ay uga tashanayaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu wax uga bedelayo dastuurka dalka.

Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ayaa qorsheynaya inay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka hor geeyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka, waxayna doonayaan in dalku qaato nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah, waxaana meesha laga saarayaa kursiga Ra’iisul wasaaraha.