Laba arrin mid oo keentay in mucaaradka ugu badan ee DF ay ku shiraan Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka socday abaabulka ay sameynayeen xubnaha ugu badan ee xisbiyada, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.

Labo arin ayaa loo sababeynayaa in xubnaha ugu badan mucaaradka dowladda Soomaaliya inay ku shiraan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kulamadooda ay qalqal geliyaan hogaanka dalka.

Arinta Koowaad ee loo sababeynayo ayaa ah in xubnaha mucaaradka lagu caburiyay magaalada Muqdisho, iyadoo hoteelo badan oo ay ku shiri lahaayeen lagu wargeliyay in xubnaha mucaaradka aysan shirar ku qabsan karin.

Xubnahaan oo kala aragti duwanaa ayaa isku baheystay magaalada Nairobi oo ay u arkeen inay tahay halka ay ku yeelan karaan shirar kala duwan, islamarkaana ay ugu midoobi karaan hogaanka dowladda Soomaaliya.

Arinta labaad ayaa lagu sheegayaa inay tahay Khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo fursad u noqday xubnaha mucaaradka, waxaana Kenya markii hore dalkeeda u diidi jirtay xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya,balse hadda taasi ma jirto.

DOwladda Soomaaliya ayaa cadaadis badan saartay xubnaha mucaaradka, taasina waxay keentay inay meel ka baxsan magaalada Muqdisho ay ku shiraan, iyaga oo culees saaraya dowladda.

Kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa abuuray walaac badan oo hogaanka dowladda ah.

Waxaa kulamadaasi ka horeeyay kulamo kale oo madaxda maamul goboleedyada ku yeelanayeen magaalada Nairobi, waxaana sidoo kale ay kulamo la qaateen madaxda beesha caalamka.

Xubnaha mucaaradka iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada ee ku shiraya magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dowladda, maadaama wali aan la cadeyn hanaanka doorashada dalka ay noqoneyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com