Laba arrin oo ay sameysay DF oo SHARCI ka dhigaya doorashada A/MADOOBE

Marka siyaasad iyo taageero koox meel la iska dhigo, ma jiro qof ku doodi kara in doorashada Jubbaland ka dhacday ay ahayd mid 100% loo maray waddo sharci ah oo hufan. Hase ahaatee dowladda federaalka diidmada ay kala hor timid doorashadaas waa mid aan wax sharciyad ah ku fadhin haba yaraatee.

Waxaa jira mabda’ sharciyadeed oo la yiraahdo “precedent” oo ah in wixii hore loo sharciyeeyay ay sameynayaan “principal” loo adeegsan karo waxa dib ka dhaca.

Kismaayo waxaa ka dhacay laba arrimood:

1-In doorasho natiijadeeda la yaqaan ay ka dhacday, oo uusan dhicin tartan xarash iyo madax ah, xoogag isu miisaamana aysan ka qeyb qaadaan. Ku dar cadaadin iyo boob haddaad doonto.

2- In Dowladda dhexe iyo wasaaradda arrimaha gudahana aan laga siin wax kaalin ah, oo maamulka markaas jiray ee Jubbaland ee hadda guusha sheegtay uu iskiisa u maamushay doorashada.

Dowladda dhexe doorasho labadaan sifa lehba way aqbashay, wayna marxabeysay:

1-Baydhabo midda ka dhacday way ka fool xumeyd tii Kismaayo, xarig iyo dhiig farabadan ayaa ku daatay. Dowladda dhexe waxay ku timaantay “doorasha xur iyo xalaal ah”.

2- Garoowe waxaa ka dhacday mid dowladda dhexe loo diiday wax kaalin ah, hadda dowladda way ka qeyb gashay caleema saarkii ka dhacay Garoowe.

Halkaas waxaa yaala “precedent” oo xujo walba oo sharciyadeed oo looga hortagi lahaa Axmed Madoobe ay ku jabayso.

Xalka wuxuu ahaa maaddaama dowladda ay ka warheyso in ay doorashooyin goboleed soo socdaan, in wasaaradda arrimaha gudaha ay habraac wada mid ah ka soo saarto doorashooyinkaas.

Taas ma dhicin, lagumana celin karo, ee waa sideeda ha lagu wada qaato!

WQ: Hassan Adam Hosow 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid