Wasiir ka tirsan DF oo 6 bil uu Muqdisho ugu xiran yahay wiil reer Raajis ah (Video)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka qorsheynta iyo maal-gaashiga Soomaaliya Fahma Axmed Nuur ayaa la sheegay inay Muqdisho ku xiratay wiil lagu magacaabo Mahdi Cabdiraxmaan Raajis, oo kasoo jeeda reer Raajis oo ah reer caan ah oo Banaadiri ah, sida ay sheegeen qoyskiisa.

Wiil la dhashay Mahdi iyo hooyada dhashay Mahdi ayaa muuqaal ay soo dhigeen facebook ku sheegay in Mahdi uu muddo lix bilood ah u xiran yahay Fahma Axmed Nuur, islamarkaana aysan jirin cid wax ka qaban karta wasiiradda oo awood u sheegatay.

Mahdi iyo Fahma Axmed Nuur ayaa la sheegay inay isku haysteen guri uu ka dhintay aabihiis Cabdiraxmaan Raajis oo dhaxal ah, balse wasiir Fahma ay awood sheegatay oo ay dhaxalkii ku qaadatay.

Qoyska ayaa sheegay in Fahma ay Mahdi u tahay eedo, inkasta oo aysan caddeyn inay xagga dhalashada eedo ugu tahay oo ay aabihiis la dhalatay iyo inay ugu noqotay xagga xididka oo aabihiis uu ka dhintay

Fahma ayaa la sheegay inay ku andacootay in Mahdi uu qoraal aflagaado ah oo iyada ka dhan ah uu soo dhigay baraha bulshada, taasi oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Hooyada dhashay Mahdi ayaa muuqaalka lasoo dhigay facebook aad uga bariday Fahma inay wiilka soo dayso, islamarkaana maadaama ay yihiin reer Baraawe aysan awood u sheegan.

Mahdi ayaa lagu soo warramayaa inuu xabsiga ku xanuusan yahay, oo uu ku dhacay cudurka dhiig karka.

Qoyska reer Raajis ayaa madaxda ugu sarreeya dowladda ka codsaday inay u caddaalad falaan Mahdi Cabdiraxmaan Raajis.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com