Laba arrin oo lagu xalin karo khilaafka culus ee hareeyey doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xasan oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha siyaasadda, sidoo kalena xubin kasoo ahaa guddigii xallinta khilaafaadka ee doorashadii 2016-kii ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee doorashooyinka socda ee dalka.

Cabdikariin oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa sheegay inay habboon tahay in la joojiyo doorashada, shirna la qabto si loo saxo qaladaadka ka jira doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii ay sidan kusii socoto doorashada in uu sii kordhi doono muranka taagan iyo is qab-qabsiga u dhexeeya siyaasiyiinta xil doonka ah.

“Aniga waxaan qabaan Election-ka saan inuu ku socdo ma qabo waxaan u arkaa albaabkii inuu furaayo cadaabta iyo is qab-qabsiga waxaan qabaa in arrinkaa la joojiyo oo dadka la’isku keeno oo la saxo wax sax ahna la keeno,” ayuu yiri aqoonyahan Cabdikaiin Xasan

Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in xalka doorashada uu jiro in waqtiga lasii dheereeyo, si ay u noqoto mid xor iyo xalaal ah.

“Lab obshan mid inaan sameyno waayey inay wixii dheeraadaan oo wax sax ah ay soo baxaan iyo wixii in la boobsiiyo oo aad aragtay waxa socda inay soo baxaan, laakiin labada obshan haddii mid la qaadaanayo waxaa ila quman wixii dheeraadaa khayr ku jiraa, laakiin waa in wax sax ah lasoo saaraa,” ayuu markale wareysiga ku yiri aqoonyahan Cabdikariin.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan is qab-qabsi xoog leh uu ka jiro hannaanka doorashada Soomaaliya, wuxuuna kasii daray markii  uu ra’iisul wasaare Rooble kala diray xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal.

Si kastaba lama oga xaaladda sida ay noqon doonto, waxaana weli halkeedii ah cabashada Midowga Musharixiinta oo iyaguna si weyn uga soo horjeedo sida loo wado doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii