Laba arrin oo sababta isku dhacdyada BOOLISKA iyo milateriga ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ayaa marti gelineysay isku dhacyo joogto noqday oo u dhaxeeya ciidamada Booliska iyo Milateriga Soomaaliya.

Isku dhacyadaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan walina ma jirto dad loo ciqaabay ama loo soo qabtay oo eedeysanayaal ah.

Caasimada Online ayaa baartay sababta soo celisay isku dhacdyada labada ciidan, waxaana ogaanay inay ugu wacan tahay laba atrin oo soo taagneed sanadihii ugu dambeeyay walina aan xal loo helin.

Ciidamada Booliska oo doonaya in Muqdisho aan lagu arkin awood aan tooda ahayn ayaa ugu weyn sababta isku dhaca labada ciidan, halka sababta labaadna ay tahay xirnaanshiyaha iyo Bandowga magaalada oo Milatarigu ay diidan yihiin iney u hoggaansamaan.

Ciidamada Milateriga ayaa raba iney ka gudbaan Kontaroolada booliska iyagoo aan marin wax muran ah, halka boolisku ay rabaan in ciidamada Milateriga ay joojiyaan dhaq dhaqaaqyada magaalada gudaheeda ah, taas oo muddo badan sababtay isku dhaca labada ciidan.

Goobaha u xiran Milateriga waxaa dhib ku mara booliska halka goobaha ay booliska joogaan ay dhib iyo dagaal ku maraan Milateriga Soomaaliya.

Todobaad gudihiis ugu yaraan 5 jeer ayey ciidamadu ku dagaalameen Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay dagaalka habeen hore ee sarkaalka lagu dilay.

Inkasta oo labada sabab ee aan sheegnay ay inta badan horseedaan dagaallada labada dhinaca, haddana mararka qaar waxaa jira sababo kale, sida ayaga oo kala taageeraya dad ay isku beel yihiin oo dhulal ama guryo isku haysta.