Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay soo diraayeen Xildhibaan Dhagdheer iyo Yuusuf Dhagey kuwaas oo kasoo kala jeedo beelaha Murusade iyo Tuduble ayaa looga hadlay sida laga yeelayo Khilaafka Galmudug.
Dhagey iyo Dhagdheer oo dhawaan laga celiyey Cadaado markii diyaaradaha laga mamnuucay ayaa la sheegay inay hadda wadaan qorsho ay beelahooda uga saarayaan Maamulka Galmudug.
ٍShirkaan ayey isugu keeneen odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeedo labadooda beel kuwaas oo la sheegay in loo qeybiyey lacagihii ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay in lagu dumiyo Maamulkaas.
Labadaan Xildhibaan oo markii hore laga fashiliyey siyaasad ay ku doonayeen inay ku dumiyaan Galmudug markii ay dowladda kasoo qaateen lacag ayaa la sheegay inay hadda Muqdisho howshaan cusub ka bilaabeen si ay ugu dambeyn ugu guuleystaan ujeedkooda koowaad oo ahaa inay isku diraan Beelaha Walaalaha.
Waxaa hadda soo baxday run ahaanshaha war saxaafadeedkii ay dhawaan soo saareen xildhibaanadii Cadaado u tagay in wax kasta wadahadal lagu dhameeyo ee ahaa inay jiraan Shaqsiyaad huwan magaca dowladda ee doonayo inay meesha ka saaraan Maamulka Galmudug oo dhibaato badan loo soo maray in la dhiso sida ay hadalka u dhigeen.
Inta badan laba beel ay kasoo kala jeedaan ayaa arrintaan ku diiday labadaan siyaasi, waxaana loo sheegay inaan lagu caawin karin in mar kale deegaanadaas lagu celiyo dagaal beeleedyo iyo rafaadkii lasoo maray.
Wararka ayaa sheegayo in Shirkii maanta dhacay lagu kala tagay markii ay odayaasha qaar iyo siyaasiyiinta la yaabeen siyaasad xumada iyo go’aanka fudeedka ku dhisan lacagtana ka dambeyso oo ay qaateen labadaan Xildhibaan.
Wararka aan hadda heleyno ayaa xaqiijinayo inay labadaan Xildhibaan hadda wadaan ololo cusub oo ay caawa ku aruurinayaan siyaasiyiin iyo odayaal kale oo ka duwan kuwii maanta si ay u gaaraan hadafkooda ah in lasoo saaro go’aan ay Beelaha Murusade iyo Tuduble uga baxayaan Galmudug.
Hadii uu Maamulka Galmudug burburo eedeynta ugu horeyso waxaa yeelan doonto dowladda Soomaaliya oo sida la sheegay howsha wax ka og, haddi aysan sidaas aheyn aan weli guddi farsamo oo heer wasiiro ah u magacaabin.
Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan inay Xildhibaanadii xalka u gaaray Cadaado ay kamid ahaayeen Xildhibaan kasoo jeedo labadaan beel kuwaas oo ay ka go’an tahay in laga hortago dadka danahooda ka shaqeenayo ee doonayo inay dumiyaan Galmudug.

