Guddoomiyahii baarlamanka Galmudug oo xilka laga qaaday (Akhriso tirada)

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in xilkii laga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,

Sida noo xaqiijiyeen Illo wareedyo  ku sugan Cadaado waxaa shirka Baarlamaanka soo xaadiray 52 Xildhibaan, wuxuuna Madaxweyne Xaaf ka codsaday inay xilka ka qaadaan Guddoomiyahii Baarlamaanka Galmudug Axmed Gacal Casir.

Sida wararku sheegayaan lana sugayo in waraaq rasmi ah lasoo saaro, waxaana u codeeyey in xilka laga qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka dhammaan 52 Xildhibaan ee shirka joogay.

Waxaa hadda socdo cod ka qaadis kale oo lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne ku xigeenka, iyadana natiijada waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah

Waxaana daqiiqadaha soo socdo idinla wadaagi doonaa waraaqaha iyo saxiixa Xildhibaanka xil ka qaadista sameeyey iyo sawiro.

Wa

….. Qoraalaa ku socdo