Laba jid gooyo oo uu DENI u dhigay Xasan Sheekh oo la jiiray iyo xujo weyn oo hortaalla

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hal sano iyo lix bilood jooga xafiiska. Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay maamulka Villa Somalia ma uusan helin wada-shaqeynta maamulka Puntland oo waxaa dagaal aan qarsooneyn ku qaaday Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni iyo Xasan ayaa isku khilaafay qoondada kursiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Puntland ayaa dagaal rasmi ah iclaamisay markii uu Xasan Sheekh joogay xafiiska dhowr billood.

Waxay ka baxday shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran, waxay muddo kadibna ku dhawaaqday inay cilaaqaadkii u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna wasiiradeeda ka joojisay dhamaan howlihii wada-jirka ahaa ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada iyo inay sidoo kale wasiiradeedu tagaan magaalada Muqdisho.

Shaqooyinka wada-jirka ah, gaar ahaan kuwa la xiriiray arrimaha maaliyadda, kheyraad wadaaga iyo amniga ayaa muhiim u ahaa barnaamijka deyn-cafinta iyo in la qaado cuna-qabateynta hubka, maadaama marwalba reer galbeedku adkeynayeen muhiimada jiritaanka wada-shaqeyn laba heer dowladeed ah iyo xasilooni siyaasadeed, si loo gaaro dhameystirka labadaasi arrimood.

Saciid Deni iyo maamulkiisa si cad ayay u sheegeen inay diidam yihiin in qodobadaasi hadda la dhameystiro illaa laga xalinayo tabashooyinkooda, waxaana Xasan Sheekh u dhigeen dhowr jidgooyo oo dib loogu dhigayo arrimahaan, laakiin Xasan Sheekh ayaa qaaday olole ay Puntland ka maqan tahay si uu u dhameystiro qabyadii uu ka tegay shan sano kahor.

Waxaa la sheega inuu wakiiladda beesha caalamka ku qanciyay in uusan khilaafka aheyn mid dowladda dhexe iyo Puntland ah, balse uu yahay arrimo shaqsi ah, taasi oo lumisay dareenkii uu Deni ka filaayay inay beesha caalamka siiso diidmadiisa.

Waxay ahaayeen laba arrimood oo waaweyn, waxaa la aaminsan yahay in haddii diidmada Saciid Deni suuq ka heli laheyd dhanka beesha caalamka, inuu markaas Xasan Sheekh ku qasbanaan lahaa inuu raadiyo Deni, laakiin Xasan Sheekh oo laba jeer madaxweyne noqday kana macaamil iyo cilaaqaad badan dhamaan siyaasiyiinta kale ee Soomaalida oo aan iyagu fursad intaas le’eg helin ayaa jiidhay dhamaan isbaarooyinkii uu Deni u dhigay, wuxuuna 1-dii bishaan xaqiijiyay in dalka laga qaado cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd 31 sano, markalena wuxuu habeen hore ku guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo deyn dhameyd ku dhowaad 5 bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo Soomaaliya lagu lahaa tan iyo markii ay qaadatay xornimada.

Sida ay iskugu aaday Xasan Sheekh ma farxad gelinayso Saciid Deni, oo malaha u muuqda in waayo-aragnimo iyo baaxadda cilaaqaadka loo sheegtay. Weli xiriirka dowladda federaalka ah iyo maamulka Saciid Deni ma hagaagsana.

Laakiin wax walba oo wada-jir ku xirnaa ayuu Xasan Sheekh sidoodii u wata, wuxuuna keenay guullo wax ku ool. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kal xukunkiisi hore ahaa nin lagu cabsiiyo tabashada maamul gaar ah, laakiin wuxuu hadda la yimid dabeecad taas ka duwan.

Wuxuu dhinaca kale dhulka isku dhigay afarta maamul goboleed ee kale, si uu qabyadiisa u dhameystiro.

Qoddobka saddexaad ee hadda diirada u saaran madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu dhameystiro dastuurka. Saciid Deni meel adag ayuu iyadana ka taagan yahay oo waa diiday sida uu Xasan Sheekh u wado howshaas.

Laakiin in middaan looga adkaan karo Deni iyo inkale waxaa ka horeysa doorashada Puntland oo uu Saciid Deni dhawaan ku dhawaaqay inay dhaceyso 8-da Janaayo ee 2024.

Cutubyada ugu horeeya ee doodda dastuurka Soomaaliya ayaa baarlamaanka la horgeyn doona badhtamaha bisha Janaayo. Natiijada madaxtinimada doorashada Puntland iyo doodda dastuurka waa laba xaaladood oo marna is riixaya, marna isku xiran.

Maxay kula tahay adiga?