2 kursi oo go’aamin doona mustaqbalka guddiga xalinta khilaafaadka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa wajahaya tijaabo adag, oo xaqiijin karta waxa dhab ahaan guddiga uu yahay ama uu isaga fogeyn karo xiriirka la rumeysan yahay inuu kala dhaxeeyo Villa Somalia.

Guddigan ayaa waxaa horyaalla cabashooyin badan oo ku aadan kuraas la boobay, hase yeeshee waxaa si gaar ah isha loogu hayaa laba kursi oo miisaan culus oo go’aan qaadashadooda aysan fududeyn.

Labadaas kursi ayaa kala ah; HOP#67 iyo HOP#103. Midka koowaad waa kii loo boobay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey, kan labadaana waa kii laga boobay guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari.

Sida loo maareeyey labada kursi waxay caddeyn u noqdeen awoodda madaxweyne Farmaajo iyo sida uu gacanta ugu hayo inta badan maamulka doorashada. Yaasiin Farey waa nin uu watay, Jawaarina waa nin ay ka go’neyd inuu meesha ka saaro.

Hadda, guddiga doorashada waxaa hortaalla su’aal adag: Ma wuxuu isku xaqiijin doonaa inuu hoos tago Villa Somalia, sida markii horeba la rumeysnaa, mise wuxuu caddeyn doonaa inuu yahay guddi madax-banaan.

Haddii guddiga xalinta khilaafaadka ay waxba kama jiraan kasoo qaadaan cabashooyinka laga gudbiyey labadan kursi; waxay caddeyn u noqon doontaa inuusan jirin guddi xalin khilaafaad balse murashaxiinta xildhibaan iyo odayaasha beelaha ay la macaamilayaan guddi hoos taga Villa Somalia, mana dhici doonto in mar dambe cabasho loo gudbiyo.

Balse haddii guddiga uu soo diido labadii doorasho ku sheeg ee kuraasta HOP#67 iyo HOP#103, waxay dib u hagaajin kartaa magaca iyo sumcadda guddiga, waxayna kalsooni badan siin kartaa murashaxiin iyo qabaa’il badan.

Guddiga wuxuu horey u lumiyey kalsooni badan kadib markii uu ansixiyey kursigii uu sida cad u boobay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Su’aasha hadda waxay tahay, guddiga dib ma usoo celin doonaa kalsoonidii luntay, mise wuxuu daaqadda ka tuuri doonaa inta yar ee u hartay.

Ma ahan go’aan ay sahlan tahay inay xubnaha guddigan qaataan, sababtoo ah waxa horyaalla ma ahan oo kaliya inay laba kursi go’aamiyaan, balse waa inay diyaar u yihiin inay ka tagaan kumanaanka dollar ee xubnaha guddiga laga siiyo Villa Somalia, ayaga oo ilaashanaya damiirkooda, dalkana ka badbaadinaya dagaal sokeeyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in guddiga uu ansixiyo kursiga Yaasiin Farey, balse diido kursiga Jawaari, maadaama kan koowaad uu muhiim u yahay Farmaajo. Sidoo kale, miisaanka siyaasadeed ee Jawaari wuxuu soo jeediyey indhaha beesha caalamka.

Sidaas darteed, ha la yaabin haddii arrintan lagu dhameeyo 1-1, balse taasi sooma celin doonto wax kalsooni ah, inkasta oo dadka aan fahansaneyn cayaaraha siyaasadeed lagu qaldi karo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii