Macnaha weyn ee ku jiray qoraalkii mucaaradka iyo xaalada Muqdisho geli karto

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa si weyn u diiday hannaanka doorashada ee Golaha Shacabka. Qoraal ay xalay soo saareen ayey ku sheegeen in waxa wadanka ka socdo aysan aheyn doorasho, balse ay yihiin boob iyo ku takrifal, taas oo dalka u horseedi doonto xasilooni darro iyo burbur soo deg dega.

Mucaaradka waxay sheegeen in aysan qeyb ka aheyn waxa socda aysana qeyb ka noqon doonin. Waxay sheegeen in aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geliyey, la tababaray oo ay hubiyeen guddiyada doorashooyinka.

Waxay kaloo sheegeen inay soo xaqiijiyeen in ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayadka ee Dowladda, Ciidankii iyo dad aan mararka qaar ku heyb aheyn Qabiilkii Kursiga lahaa.

Waxay kaloo soo xigteen in dadka qaar loo diiday isdiiwaan gelinta tartanka kuraasta XIldhibaanada. Xildhibaano hore ayaa loo diiday inay is diiwaan geliyaan, kuwa xaq u lahaa ayaa sidoo kale loo diiday, halka mucaaradka ay sidoo kale ku doodeen in la diiwaan geliyey xubno aan soo buuxin shuruudihii isdiiwaan gelinta xildhibaanka.

Waxay ku andacoodeyn inay meesha ka baxday madax-banaanadii iyo dhex-dhexaadnimadii guddiyada doorashooyinka. Arrimahaan waa kuwa keenay in mucaaradka diidaan ka qeyb ahaashaha doorshada socoto.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayey si weyn u eedeeyeen mucaaradku, waxay sheegeen inay Rooble ka dalbadeen inuu doorashada joojiyo, sidaasna la isku ogaa, laakiin taas badalkeeda waxay sheegeen in Ra’isul Wasaaraha uu bogaadiyey madaxda maamul Goboleedyada ee eeda loo heystay, isagoo ka dalbaday inay soo saaraan Kuraas kale, taas oo ka duwan wixii ay macaaradka kula ballameen Rooble.

Madaxda mucaaradka waxay sheegeen in wixii dhibaato ah oo ka dhasha doorashada boobka ah inay qaadanayaan madaxda maamulada yo madaxda xukuumadda Federaalka.

Waa markii koowaad oo mucaaradku toos u wajahaan madaxda maamulada oo ay eedooda saaraan. Mucaaradka waxaa markii hore lagu eedeyn jiray inay ka war wareegayaan eedeynta madaxda maamulada oo ah cidda marna doorashada daahisa, haddana loo heysto inay boob ku bilaabeen doorashadii.

Mudaaradka waxay sheegeen in aysan sidaan ku fiirsan karin xaalka dalka oo ay bilaabayaan wada-tashiyo ay la yeelanayaan qeybaha bulshada si loo helo wax ay ugu yeereen Xal-Qaran oo lagu badbaadin karo dowladimada Soomaaliya.

Halkaas waxaa ka cad inay mucaaradka u dhaqaaqeyn jiho ka duwan tii doorashada oo ah inay iyaguna raadiyaan xal jeebkooda ah kaas oo loo badinayo inay rabaan inay ku dhisaan Gole Qaran oo dalka gaarsiiya doorashooyin loo dhan yahay, sida ay aamisan yihiin.

Shirarka mucaaradka ayaa weli soo socon doona, iyadoo la filayo inay gogosha ballaariyaan si ay ula hadlaan dadkii ugu diriray wajigii koowaad ee gulufkii lagu fashiliyey muddo kororsiga.

Qoraalkii xalay kasoo baxay mucaaradka nuxurkiisa wuxuu ahaa:

1)  Inay gebi ahaanba diideen doorashada socota.

2)  Inay rabaan inay wax u gooni ah dhisaan, balse nooca ay u dhisayaan ay weli taladeedu socoto.

3) Inay jirin wax jawaab ah oo isugu dhiman iyaga iyo Ra’isul wasaare Rooble oo markii hore la filayey inuu xallin doono tabashadooda.

4) In Muqdisho ay geli karto xaalad cusub oo aan lasii odorosi karin.

5) Inay hoos u dhacday rajadii laga qabay doorasho loo dhan yahay oo ka dhacda Soomaaliya.

6) Iyo inuu soo noqday walaacii ku saabsanaa in uusan dalka si nabad ah kaga gudbi karin xilliga kala guurka ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii