PUNTLAND oo xukun adag ku riday lix qof + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamada darajada 1-aad ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa waxay xukun ku riday ku dhawaad 6 rag ah, kuwaasi oo lagu soo qabtay inay ka ganacsanayaaeen maandooriyaha noociisa Khamriga.

Maxkamadeynta raggaan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana lagu soo qabtay howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen xaafado kamid ah magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xeer ilaaliyaha oo soo eedeyay raggaan ayaa waxaa lagu kala xukumay min 5 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed, sida uu ku dhawaaqay mid kamid ah garsoorayaasha Maxkamada darajada 1-aad ee gobolka Nugaal.

Maxkamadeyntan raggaan ayaa waxay imaneysa xili ay ciidamada Puntland dagaal adag kula jiraan ka ganacsiga maandooriyaha, gaar ahaan Khamriga oo si weyn ugu soo bataya deegaanadeeda.

Sidoo kale waxay qeyb ka yihiin howl-galo kala duwan oo ciidamada Puntland ka sameeyen magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaasi oo ka dhan ah ka ganacsiga maandooriyaha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii