Beledweyne: Caruur isku qoys ah oo ku geeriyootay hoobiye ku dhacay gurigooda

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ku billowday weerar loo adeegsaday madaafiic, kaas oo markii dambe isku beddalay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ay sababeen dhimasho saddex caruur ah oo isku qoys ahaa iyo dhaawac laba kale, kadib markii uu madfac habaaw ah ugu tegay gurigooda oo ku yaalla xaafadda Hanti-Wadaag oo ka tirsan xaafadaha magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay galbeedka magaalada oo ay inta badan weeraro ku soo qaadaan xoogaga Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay bixiyeen saraakiisha laamaha ammaanka, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada ammaanka.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo ka dhalatay weerarkaasi sababay dhimashada iyo dhaawaca caruurta.

Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa weli heysata deegaano ku yaalla gobolka Hiiraan, waxaana ugu yaalla xarumo muhiim ah, sida saldhigyo ciidan iyo maxkamaddo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii