Laba madaxweyne maamul goboleed oo Muqdisho soo gaaray maanta + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Lafta Gareen ayaa ka yimid dalka Turkiga, waxaana isaga iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyey Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda oo uga hortegay garoonka.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa ka soo duulay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, waxaana isna soo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Safarkan waxaa sidoo kale madaxweynaha Galmudug ku wehlinaya mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Senator Cabdi Qeybdiid oo ku sugnaa gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labadan hoggaamiye ay kulamo siyaasadeed ka bilaabi doonaan Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayo doorashada iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan, ayaga oo isku dayi doona inay gacan ka gaystaan sidii xal loogu heli lahaa.

Socdaalka labada madaxweyne goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa sidoo kale kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Si kastaba dhowaan ayey markii Farmaajo oo soo saaray digreeto uu shir deg-deg ah isugu yeeray golaha amniga qaranka, kaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, balse illaa iyo hadda madaxweynayaasha soo gaaray caasimada iyo kuwa kale kama hadlin shirkaasi.