Siyaasiyiin miisaan leh oo ka hadlay xil la-wareegista Cabdullaahi Maxamed Nuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi, Mahad Salaad iyo Wasiir Fiqi ayaa si weyn Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha ee dalka, oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii xilka cusub ugu hambalyeey Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoona dalbaday in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’addaha amniga si loo gaaro xasilooni guud.

“Hambalyo wasiirka amniga mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato mus’uuliyadda culus ee laguu idmaday waqtigaan xasaasiga ah. Waxaan shacabka ugu baaqayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’adaha amniga si loo hubiyo xasillonida guud ee dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay hortaallo wasiirka cusub mas’uuliyad culus oo ay qeyb ka tahay dardar-gelinta amniga doorashada dalka xiligan xasaasiga ah.

“Wasiirka Amniga Gudaha ee XJFS Mudane Cabdullahi Maxamed Nuur waxaa hortaalla mas’uuliyad culus oo ay ugu horeyso nabadgalyada guud ee dalka & dardar gelinta amniga doorashada. Ma jirto sabab loo sameeyo xasarad, ciddii tuhun soo galaa waa in ay wajahdaa garsoorka iyada oo aan ummadda la jahwareerin,” ayuu yiri.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Wasiirka cusub, isagoona garab istaag u muujiyey, islamarkaana u rajeeyay in Allaha la garab galo. “Hambalyo sxb mar labaad, xilka aad ummadda u qaadayna Allaha kula qaado. Aamiin.”

Ugu dambeyntiina Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa asaguna si cajiib ah ugu hambalyeey wasiirka cusub, kadib markii maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilkaas, looguna wareejiyay.

“Wasaaraddii amniga gacanta ayaa laguu geliyey ee iga qabo, waa kaa haayaa mudane, ma difaacan kartaa? haa Mudane, marqaatiguna waa noo jeedaa!. Hambalyo wasiir Abdullahi Mohamed Nor.”