Xog: Been weyn oo laga sheegay kulankii maanta ee taliyayaasha ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online,  taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta kulan qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, gaar ahaan taliska hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya. 

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay taliyayaasha Milateriga, Booliska, Asluubta iyo taliyayaasha gobalka Banaadir ee NISA iyo Booliska Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa kadib kulankooda waxay warbaahinta kula hadleen xarunta taliska booliska, oo ay sheegeen inay ku kulmeen iyagoo warbaahinta ka qariyay kii ka dhacay xarunta taliska NISA ee Habar-khadiijo waana sababta keentay in su’aalo badan uu ka dhasho shirkooda. 

Si rasmi ah looma oga sababta ay taliyayaasha u qariyeen inay ku kulmeen Habar Khadiijo iyo cida shirisay maadaama uu dalka ka jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, hase yeeshee xogaha aan helnay ayaa tilmaamay in ciidamada ay ka tashadeen cidda ay amarkiisa ku shaqeyn lahaayeen xiligaan kala guurka iyo in amniga dalka uusan saameen ku yeelan khilaafka hogaanka dowladda Soomaaliya. 

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in kaliya ay ka shireen amniga doorashada Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa, balse waxaa xusid mudan in amniga doorashada ay kaliya masuul ka yihiin booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Haddii la raacayo habraaca amniga doorashooyinka, Taliye Xijaar oo keli ah ayey ahayd in uu shirka fadhiyo, sidoo kale uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare Rooble. Taliyayaasha xoogga, asluubta iyo gobolka banaadir kuma xusna heshiiska, waana su’aal kale oo dood keentay sababta ay uga qeyb galeen NISA, Milateriga iyo Asluubta maadaama laga hadlayay amniga doorashada. 

Waxaa illaa iyo hadda lagu wareersan yahay cidda ay Farmaajo iyo Rooble raacsan yihiin taliyayaasha, maadaama ay isugu jiraan xubno la ogyahay inay daacad u yihiin Farmaajo, kuwa daacad u ah Rooble iyo kuwa dhex-dhexaad ah.