Guddoomiy Mursal oo ka horyimid dhaarinta wasiirka cusub ee amniga + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid dhaarintii maanta ee Wasiirka cusub ee amniga, sheegayna inay baalmarsan tahay sharciga.

Mursal ayaa ku dooday in dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaariyo Golaha Shacabka, taasi oo ku sheegay inay iskugu jirto ansixin iyo dhaarin wada socda.

“Waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuula socodsiinayaa in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ee Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104-aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

“Mudane Ra’iisul Wasaare, si aad ula socoto, dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaarinaayo Golaha Shacabka ma aha keliya dhaarmarin ee waxay isgu jirta ansixin iyo dhaarin si xubnaha ay xilalkooda xafiiseed rasmi ahaan u bilaabi karaan. Dhaqan ahaanna haddu kalfadhiga furan yahay Kulanka guud ee Golaha ayaa lagu ansixiyaa laguna dhaariyaa. Haddiise u kalfadhiga Golaha markaa uu xiranyahana waxaa lagu ansixiyaa laguna hor dhaariyaa Guddiga Joogtada oo ka wakiil ah Golaha Shacabka,” ayuu ku daray.

Sidoo kale waxa uu dhaarinta wasiirka amniga ee maanta ku tilmaamay mid uu iska watay Ra’iisul Wasaaraha, oo asagu hore u soo magacaabay, ansixiyey, haddana dhaariyey, kadibna xilka ku wareejiyay.

“Hadda sida ay u muuqato, xubin ka mid ah Golaha Fulinta ayaa magacawday, ansaxisay isla markaana dhaarisey isla xubin iyaga ka mid ah, taas oo si cad u baalmarsan kala soocnaanta Xilalka iyo Awoodaha Hay’adaha Dawlada ee Laanta Sharci Dajinta, Laanta Fulinta iyo Laanta Garsoorka iyo qodobada Dastuuriga ah ee aan kor ku soo xusnay. Waxa kale oo xusid mudan inaanu dalka ka jirin firaaq Baarlarnaani ah si waafaqsan Sharci Lr. 30 ee xeeranayo in Baarlamaanka 10aad ee hadda jooga oo wata awoodihiisa Dasturiga ah u dhamaytiran tahay ay Xilka sii haynayaan inta Baarlamanaan kale lag adooranayo.”

Mursal ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha in uu si qoto dheer uga baaran dego tallaabooyinka uu qaaday, asaga oo mudnaanta koowaad siinaya xasiloonida siyaasadeed iyo kala dambeynta nidaam dowladeed, ee u baahan yahay dalkeen oo maraya marxalada xasaasiga ah.