Indha-Cadde oo shaaciyey in ciidamada badbaado qaran ay tallaabo qaadayaan + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag ugu hanjabay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili ay taagan tahay xiisad siyaasadeed cusub.

Waxa uu ku hanjabay in tallaabo ay qaadi doonaan ciidankii Badbaado Qaran, haddii uu Farmaajo joojin waayo tallaabooyinka guracan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa moodaa in Farmaajo uu iloobay inay joogaan ciidamadii Badbaado Qaran, inay joogaan ayaa u sheegaya oo aysan aqbaleyn wax kasoo horjeeda Dastuurka, Cadaalada, Qaranimada iyo Jiritaanka umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jeneraal Indha-cadde.

Indha-cadde ayaa sidoo kale shaaciyey in uu socdo inqilaab qarsoon oo u adeegaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana uu xagal daacinayo dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee amniga iyo doorashada.

“Waxa uu ka soo horjeeda (Farmaajo) inay cadaalada hesho Ikraan Tahliil oo aheyd hay’adda Sarkaal ka tirsan (NISA), gacanta hay’adda NISA ku maqan inay cadaalada hesho, umadda Soomaaliyeedna ay cadaalada hesho. Ikraan oo cadaalada hesha waxay lamid tahay umadda Soomaaliyeed oo cadaalada heshay.”

Waxa kale oo uu hoosta carabka ku adkeeyay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu lug ku leeyahay kiiska Ikraan, maadama uu in muddo ah ka aamusna, haddana uu Ra’iisul Wasaaraha kula dagaalay xil ka qaadistii Fahad Yaasiin.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday Farmaajo in uu faraha kala baxo shaqada Ra’iisul Wasaaraha, uuna ka noqdo, islamarkaana uusan dalka u horseedin qas hor leh.

Hoos ka daawo muuqaalka Jeneraal Indha-cadde