Laba sabab oo ROOBLE uu xilka uga qaaday Xundubey, una magacaabay Cabdullaahi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay xilka ka qaaday wasiirkii amniga Xasan Xundubey, isaga oo ku beddelay Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ay isku beel yihiin, kaasi oo maanta la dhaariyey xilkana la wareegay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xundubey ayaa xilkiisa ku waayey colaad uu hadda kahor huriyey, iyo u daacadnimadiisa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xundubey ayaa xilligii uu socday dagaalka muddo kororsiga ee Muqdisho, waxaa lagu xusuustaa inuu qaban jiray shirar jaraa’id, isaga oo ku baaqaya in la weeraro ciidamadii diidanaa muddo kororsiga iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Waxay hadalladiisa xilligaas caqabad ku noqdeen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo waday dadaallo dhex-dhexaadin ah,  iyo in magaalada laga badbaadiyo dagaal.

Xasan Xundubey ayaa sidoo kale lagu yaqaan inuu weligiis daacad u ahaa Farmaajo. Farmaajo ayaa hadda kahor u magacaabay safiirka Imaaraadka Carabta, inkasta oo Abu Dhabi ay soo diiday, waxaana kadib lagu abaal-mariyey xilka wasiirka amniga.

Ayada oo ay suurta-gal tahay in xiisadda siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble ay isku rorgto dagaal, ra’iisul wasaaraha ayaan qaadan karin fursad uu hay’adaha amniga oo dhan uu madax uga ahaado siyaasi daacad u ah Farmaajo.

Wasiirka cusub ee amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa lagu yaqaan inuu yahay nin firfircoon, oo aad ugu wanaagsan abaabulka, saaxiibo bandanna ku leh beeshiisa iyo magaalada Muqdisho. 

Sidoo kale, waa ganacsade maal-qabeen ah, oo kasban kara saraakiisha ciidamada, islamarkaana garab muhiim u ah u noqon kara ra’iisul wasaaraha, haddii dagaalka uu lugaha la galo dhaqaale. 

Xasan Xundubey oo hadda ku sugan dalka Itoobiya, ayaa garan waayey halka ay u socoto mowjadda siyaasadda, wuxuuna daacad u noqday Farmaajo, oo maanta ku jiray go’doon siyaasadeed, taasi oo xilkiisa uu ku waayey.