Mashruuc cusub oo lacag badan looga sameynayo macallimiinta MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa soo saaray amar dhaqaale looga sameynayo macalimiinta wax ka dhiga Iskuullada Gobalka Banaadir, taasoo ay cabasho ka muujiyeen bahda waxbarashada. 

Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa Iskuul kasta oo ku yaalla Muqdisho ku amray in ay soo diiwaan geliyaan macalimiinta wax ka dhiga, iyqdoo lacagta diiwaan gelinta oo ay ku jirto warqada dhalashada, mida CID-da iyo warqado kalaba, oo isu geyn ay ku baxeyso lacag dhan ku dhowaad 100$ 

Macalimiinta Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho ayaa sheegay in mushaarka ay qaateen oo aad u yar aysan ka go’in lacagta, iyadoo codsaday in dib u eegis lagu sameeyo. 

Macluumaadka qaar ee laga rabo macalimiinta oo ay hore heysteen ayaa laga diiday, iyadoo laga rabo kuwa cusub. Agaasinka waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa lagu eedeeyay in uu lacag ka sameynayo bahda waxbarashada. 

Dooda ku aadan waxbarashada gobalka Banaadir ayaa in muddo ah taagan, iyadoo ay sidoo kale qeyb ka noqotay wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya. 

Dowladda federaalka ayaa caan ku ah in markii muddo la joogaba lasoo saaro amaro dadka ku qasbaya inay maraan hanaano kala duwan oo u baahan baaris, warqado iyo waxyaabo kale. 

Waxaa kadib dadka shuruud looga dhigaa in waradahaas ay ka qaadan karaan oo kaliya goobo gaar ah, oo qandaraaska la siiyey, halkaasi oo lacagta kasoo xaroota ay badankeed u dhaceysa hay’adda dowladeed ee ka dambeysa amarada.