Walaac laga muujiyey liiska uu shaaciyey Cali Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashada dalka ayaa walaac xoogan ka muujiyay habraaca shaacinta kuraasta aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, kuwaasi oo uu Arbacadii soo saaray madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in wax laga xumaado tahay in madaxweyne Guudlaawe uu hareer-maro heshiiskii xaqiijinayey qoondada haweenka ee 30%.

“Waa in ay kuraasta qoondada haweenka 30% u tartamaan musharrixinta haweenka ah
oo kellya. Kuraasta qoondada haweeenka lagama wareejin karo haweenka, lama siyaasadeyn karo, lamana libsan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay ka dalbadeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed inay sida uu yahay u fuliyaan habraacaas, oo qoondo gaar ah loogu xiray haweenka.

“Guddiga ayaa waxa uu ku boorinayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle in uu ixtiraamo heshiiskii uu ansixiyay oo qoondada haweenka ee uu soo saaro ayadoo haween keliya ku tartamayaan.”

Ugu dambeyn Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in marnaba aysan aqbaleyn in qoondada u gaarka ah haweenka la boos bedelo.

Si kastaba, walaacan ay muujiyaan Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashada 2021 ayaa imanaya xili ay 7 haween ah oo keliya ka soo muuqdeen liiska musharaxiinya Aqalka Sare oo gaarayey 34 musharax, kaasi oo uu shalay shaaciyey madaxweynr Cali Guudlaawe.