Laba nin oo laga raadinayey magaalada MUQDISHO oo gacanta lagu soo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay laba nin oo sida uu sheegay la doon doonaayay.

Gudoomiyaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay qaabka ay Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir gacanta ugu soo dhigeen labadaasi nin.

Duqa Muqdisho ayaa marka hore yiri “Shirka Amniga Caasimada Muqdisho oo caawa lagu soo bandhigay guulaha ololaha la dagaalanka burcadda iyo mooryaanta hubeysan.”

Duqa Muqdisho waxa kaloo uu yiri “Moryaankii shacabka dhibka ugu gaysan jiray Kaaraan iyo Cabdicasiis oo Waaranka u jarnaa la soo qabtay isagoo dhaawac ah oo booliska xabado ku ridaayay, ka dibna uu isbitaalka ku geeriyooday.”

Isagoo ka waramayay ninka labaad ee la soo qabtay ayuu yiri “Sidoo kale waxaa la soo qabtay mooryaan kale oo la raadonayay lagana soo kala qabtay Degmooyinka Dharkiinley, Dayniile iyo Yaaqshiid, oo uu ka mid yahay Cabaas Xasan Maxamed oo muddo laga raadinayay Degmada Dharkiinley.”

Yariisow ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah raggan, waxaana uu yiri “Waan wadeynaa ololahan waxaana uga digeynaa kuwa caadeystay inay nidaamka dowliga iyo awaamiirta ciidanka iska indhatira. Nidaam iyo dowladnimo baa na wada deeqa ee aan amniga Caasimada ka wada shaqayn.”

Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar

Caasimada Online
Xafiiska MUqdisho
caasimada@live.com