Laba sabab oo Farmaajo ‘ku qasbeysa inuu ka aamuso’ qaraxii ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inta aan la dooran, waxa uu ahaa qof aad u dhaliila madaxda dowladda Soomaaliya ee cambaareysa weerarada Al-Shabaab ee ka dhaca dalka, isaga oo ku eedeynaya in camabareyn aysan wax qabad aheyn.

Waxa sidoo kale ballan-qaadyadiisa ka mid ah in wax ka qaban doono ammaanka oo aysan dhicin doonin tacsi iyo cambaareyn dambe, oo aan wadan ficillo jawaab ah

Ku dhowaad laba maalin, madaxweynaha weli kama uusan hadlin qaraxii xasuuqa ahaa ee ka dhacay maqaayadda Gelato Divino ee Muqdisho, kaas oo galaaftay nolasha sideed dhalinyaro oo u badan oo aqoonyahanno.

Dad badan ayaa is-weydiinaya sababta madaxweynaha u aamusan yahay, balse  Farmaajo ayaan laba arrin dartood u cambaareyn karin qarax kasta, kuwaas oo kala ah.

1 – In uu si la mid ah madaxdii ka horreysay ku fashilmay ammaanka, islamarkaana uu wali ku jiro damac kale oo ah hoggaanka Soomaaliya, sidaas darteedna uusan heynin wax uu u sheego shacabka Soomaaliyeed. Mar kasta oo uu amniga ka hadlo ama qarax cambaareynaya ay soo baxeyso mid ka mid ah guul-darrooyinkiisa.

2 – In markii uu waday olalihiisa doorashada uu marar badan sheegay in aysan dhici doonin in dowladiisa cambaareyso oo kaliya weerada Al-Shabaab balse ay si dhab ah wax uga qaban doonto, taasna kuma uusan guuleysan Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa habooneyd in Madaxweynaha ugu yaraan muujiyo inuu ka xunyahay xasuuqa socda balse aamusnaanto ay tahay qeyb kamid ah raali ahaanshaha.

Ma ahan markii ugu horreysay in Madaxweynaha Soomaaliya ka gaabsado ka hadalka qaraxyo iyi weeraro ka dhacay Soomaaliya oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah.

Ibraahim Axmed Cabdulle – Waa aqoonyahan degan Muqdisho.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid