Labada Aqal ee BF oo kala saxiixday heshiis 5 qodob ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Aqal ee baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban dhawr qodob, kaas oo ay ku wada shaqeyn doonaan.

Wada shaqeynta iyo iskaashiga golaha shacabka iyo golaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay heshiiska in uu gundhig u yahay dastuurka KMG ah, xeer hoosaadka golayaasha iyo sidoo kale xeerarka kale ee dalka.

War-saxaafadeedka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Aqalka Sare iyo golaha shacabka ay ka wada shaqeyn doonaan mabaadii’da kala ah:

1)   Iskaashi xeer dejineed.

2)   Xog isdhaafsi joogto ah.

3)   Hirgalinta heshiisyada u dhaxeeya labada dhinac.

4)   Ka warqabka baahiyaha hormarineed ee labada gole iyo in la iska kaashado sidii loo dabooli lahaa.

5)   Isku tix-galinta waajibaadka gaar ahaaneed ee ay kala leeyihiin labada Aqal.

Sidoo kale golaha shacab iyo golaha Aqalka Sare ayaa war-saxaafadeedkooda ku shaaciyay in xubnaha ku matalaya baarlamaanada qaaradeed, kuwa goboleed iyo kuwa aduunkaba ay si cadaaladi ka muuqato ku qeybsan doonaan.

Golaha shacabka iyo golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay qoraalka in ay ansixi doonaan miisaaniyadda dowladda federaalka ku noqoshadeeda iyo xisaab xirkeedaba si waafaqsan habraaca dastuuriga ah ee xeer dejinta dalka.

Labada gole ayaa waxa ay sheegeen ay dhisi doonaan guddiga adeegga baarlamaanka, kaddib markii ay soo id laato dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka.

Ugu dambeyntii war-murtiyeedka ay soo saareen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxa ay ku sheegeen in ay yeelanayaan xeer hoosaad wadajir ah, kaas oo faafaahinaya dhamaan qodobada lagu heshiiyay.

Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka

 Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com