Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada labadii horjooge ee saaka hoggaaminayay dagaal-yahaannadii weerarka ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Wasiirka Gaashaandhigga oo faahfaahin dheeraad ka bixiyay dagaalkii maanta ayaa sheegay in lagu guuleystay in la dilo horjoogayaashii watay dagaalamayaasha, kuwaas oo lagu kala magacaabo Daadullaahi iyo Sabri.
Labadan nin oo la dilay intii uu socday dagaalkii saaka ka dhacay Ceeldheer ayaa waxay kasoo kala jeedaan Shabeellaha Dhexe iyo gobollada Baay iyo Bakool, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
“Waxaan hubinay in labadii nin ee hoggaaminaysay maleeshiyaadkaad Khawaarijta in halkaas lagu dilay, waxayna kala ahaayeen; Nin la yiraahdo Daadullaah oo dadka deegaankaas aad u yaqaanan oo Sh/Dhexe kasoo jeeday iyo mid kale oo Saabir la yiraahdo oo gobollada Baay iyo Bakool kasoo jeeday, labadaas nin ee hoggaaminaysayna meesha ayay ku bakhtiyeen,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Dagaalka Ceeldheer oo markii hore ku bilowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxay ciidamada isgarabsanaya kala hortageen difaac adag, iyadoo jab culus gaarsiiyeen cadawga.
Dagaalkaasi oo socday muddo saacad ah, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo loo geystay xubnaha weerarka soo qaaday, iyadoo dowladdu soo bandhigtay muuqaallo meydad ay sheegtay inay halkaasi uga carartay kooxdu.
Ciidanka ayaa dagaalkan ku dilay in ka badan 60 xubnood oo Shabaab ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka, sida ay sheegtay dowladdu.

