Agaasimayasha Idaacadaha Muqdisho labo ka mid ah oo maanta la xiray

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku xiray labo kamid ah agaasimayaasha Idaacadaha sidda gaarka loo lee yahay.

Labadan Agaasime oo kala ah Maxamed Barre Xaaji Fiyoore oo ah mulkiilaha ahna agaasimaha Idaacadda FM-ka ee Danan iyo Ibraahim Maxamed Cali (Ibraahim Yare) oo isna agaasimaha Idaacadda FM-ka ee Haatuf ayaa laga qabtay agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma cadda sababaha loo xiray labadan agaasime, balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labadan agaasime ka hor inta aan la xirin uu ballamiyay wariye, isagoo markaas u sheegay in ay ka soo qaybagalaan shir dhacaya balse markii ay goobta imaadeen ay la kulmeen ciidamada ammaanka.

Labada agaasime ayaa la sheegay in ay ku xiran yihiin xarunta dambi baarista ee CID, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Ururka qaranka Suxufiyiinta ee NUSUJ ayaa cambaareeyay xarigga labada ahaasime, waxaana ay ku baaqeen in si shuruud la’aan loo sii daayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com