Madaxtoyada Somalia oo ka warbixisay xaalada madaxweyna kadib markii…!

Muqdisho (Caasimada Online) Kaddib markii maanta wararka ugu badan ee Soomaalida ay noqdeen, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaa arrintaas beeniyay oo waxbo kama jiraan ku tilmaamay afhayeenka madaxweynaha ahna la taliyihiisa gaarka ah, Injineer Cabdirasmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in uu caafimaad qabo isla dhawaan uu dalka dib ugu soo laaban doono sidda uu yiri.

Yariisow ayaa tilmaamay in wararka suuqa ku jirra ay yihiin kuwa lagu jahwareerinaayo ummada Soomaaliyeed loogana gun lee yahay arrimo siyaasadeed.

“Xaalada madaxweynaha waa ay wanaagsan tahay, wax walwal ahna aan laga qabin, isagoona intaas ku daray in maalmaha soo socoda uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqidsho” siddaas ayuu ku sheegay in war-qoraal ah oo u soo dhigay barta uu Internetka ku lee yahay.

Wuxuu tilmaamay madaxweynaha in uu maanta galinka dambe uu booqan doono goobo muhiim ah oo ku yaalla dalka Turkiga sidda uu yiri.

Marka laga soo tago hadalka afhayeenka madaxweynaha, waxaa tan iyo saakay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqidsho aad looga hadal hayaa warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku geeriyooday Isbitaalka ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Si kastaba, waxaa xaqiiqo ah in madaxweynaha Soomaaliya uu u aaday dalka Turkiga arrimo caafimaad, waxaana madaxtooyada Soomaaliya horrey u sheegtay in uu u aaday Istanbul baaritaan caafimaad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay ee la arko waxa ay ahayd Jimcihii horre, xilligaas oo uu ka qaybgalay aas loo sameeyay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka

Caasimada@live.com