Ciidanka nabad sugida oo dharka laga badalayo kaddib markii la ogaaday…..

Muqdisho (Caasimada Online) Taliyaha hey’adda nabad sugida dowladda Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in wax laga badili doono qaabka ay ku shaqeyso hey’adda isagoona sheegay in dhawaan magaalada lagu daaddin doono rag dhar cad ah oo qayb ka qaata ammaanka.

Wuxuu sheegay in ciidamada nabad sugida in ay hadda la bisan yihiin oo meesha ay tagaan la fahmi karo, balse mardhow waxaan sameyn doonaa ayuu yiri kooxo dhar cad ah oo magaalada lagu daadiyo.

Gen Bashiir Goobe ayaa sheegay in markii horre ay jiri jireen ciidamo dhar cad oo magaalada lagu daadiyo kuwaasoo aan la fahmi karin sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeyaan hey’adda nabad sugida si loo adkeeyo ammaanka caasimada oo mararka qaar ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo.

Maxaa ka jirra awooda ciidanka nabad sugida in ay la wareegeen kuwa booliska?

Dad badan oo ku xeel dheer arrimaha ciidanka ayaa leh xilligan la joogo ciidanka nabad sugida iyo kuwa booliska waxaa awood badan kuwa nabad sugida, laakin kal horre siddaas ma ahan, waxaana shaqada booliska hadda qabta ciidanka nabad sugida, oo ah ciidanka ugu awooda badan dowladda iminka jirta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com