Ahlu-Suna oo u gacan galisay Ethiopia seddax saraakiil ONLF ka tirsanaa

Guriceel (Caasimada Online) ONLF ayaa sheegtay in seddax xubnood oo ka tirsan ururkooda in laga qafaashay degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud, dabadeedna loo gacan galiyay sirdoonka Ethiopia.

Afhayeenka ONLF, Cabduqaadir Xirsi Hirmooge, oo ku sugan magaalada Berth ee dalka Austria ayaa xaqiijiyay in raggan laga qabtay degmada Guriceel kaddibna la geeyay deeganka Shilaabo oo loo gacan galiyay sirdoonka Ethiopia.

Wuxuu sheegay in Ahlu Sunna ay noqotay Col Box ay sameesatay dowladda Ethiopia, waxaana Sheekh u ahaa ayuu  Meles Zenawi ayuu yiri.

“Ahlu Sunna waxaa sameeestay Ethiopia, hangool lagu doonayo in lagu dhibaateeyo Soomaaliya, waana nasiib daro in Oday waayeel ah oo xanuunsan iyo labo dhallinyaro oo aan hubeysaneen in afduubtaan oo ay u gacan galiyaan Ethiopia” ayuu yiri Hirmooge.

Wuxuu sheegay in muddo bil ah uu xanuunsanaa Oday Maxamed isagoona ku sii jeeda dalka Soomaaliya si uu halkaas iskugu soo daaweeyo.

Wuxuu ku celceliyay in dhulka Soomaalida ay xaq u lee yihiin in ay ku noolaadaan ONLF, mana jirin dad laga qabto oo loo gacan galiyo Ethiopia ayuu yiri.

Si kastaba, dhawaan ayaa waxaa magaalada Nairobi laga qafaashay labo sarkaal oo ka tirsan ONLF kaddibna waxaa loo gacan galiyay dowladda Ethiopia.

ONLF ayaa muddo dheer dagaallo kula jirtay dowladda Ethiopia, waxaana ay u dagallaamayaan siddii ay xornimo u gaarsiin lahaayeen gobalka Waqooyi Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Naiorbi

Caasimada@live.com