VIDEO: Mucjiso ka dhacday dusha sare ee Masjidka Nabiga NNKH (Daawo)

Mucjisadan layaabka leh waxay ka dhacday magaallada barakaysan ee Madiinah Al Munawarah, gaar ahaan dusha sare ee Masjidka Nebiga (NNKH). Maalintii toddobaad ee bisha Ramadaan ee sanadkan 1433h/2012M, goor la addimay salaadda Maqrib oo la aqimi raba ayaa daruur cajiib ah ay isku soo beegtay Masjidka dushiisa, mise isu qaabeysay sida magaca Nebiga oo Carabi ahaan ah   ”محمد ”.

Nebi Muxammad (NNKH), ayaa ah Nebigii ugu dambeeyey Nebiyada Alle (NDH), isagoo lasiiyey mucjiso aanan mid lamid ah la siinin Nebiyadii isaga ka horreysay (NNNKH). Nebi Muxammad (NNKH), wuxuu kasoo jeedaa Carab, wuxuuna ku abtirsadaa Nebi Ismaaciil ina Ibraahiim, taasoo sabab u noqotay inay dafiraan Yahuudda iyo Nasaaraduba iyagoo badankoodu og inuu yahay Nebi dhab ah, oo laga soo diray xag Alle. Qaarkood baa qafla iyo jaah wareer kaga sugan xaqnimada Nebi Muxammad (NNKH), Alle-se Quraanka ayuu marqaati usoo qaatay si uu meelo badan uga tuso inuu Muxammad (NNKH) Nebi Mursal ah oo xaggiisa laga sii direy.

Waxay kuwii mucaaraday Muxammad (NNKH) ka caajiseen inay keenaan Qur’aan lamid ah kan Muxammad uu layimid, kol ay suuradba ku tahay, saa Ilaahayna intaasi kuma ekaane aayadihiisa kowniga ah iyo mucjisaadkiisa ayuu isticmaalay si uu meelo fog fog uga tuso inuu Muxammad yahay mid xaq ah oo xagga Rabbi laga soo direy.

Alle kor ahaaye wuxuu leeyahay

”Waxaan tusin doonaa iyaga calaamooyinkayaga kamuuqda koonka iyo nafahoodaba jeer ay noqota wax cad inuu yahay (Muxammad iyo Qur’ aanku) xaq. Ma waanu ku filleyn Rabbigaa inuu wax waluba ka yahay marqaati”? Suuradda 41. Fusilat- aayah 53.

Bal aqriste eeg mucjisadan Rabbaaniga ah ee dhacday toddobadii bisha Ramadan ee sanadkan 1433h/2012m.

Daawo Video-ga

FG: Qoraalkan waxaa markii ugu horeysay lagu daabacay Caasimada Online 13-kii February 2013, waxaana ugu soo celinay xusuusin iyo cibra qaadasho