Wasiiradii lagu dhagnaa oo aan soo Xaadirin maanta. “Sababta Aqri”

Waxaa Maanta dib u dhacay kalfadhigii loo balansanaa ee Baarlamanka ay ku hor imaan lahayeen Labo Wasiir oo kala ah Wasiirka Arimaha dibada iyo Wasiirka gaashaandhiga.

Maanta oo taariiqda ay ku beegantahay tobonka bisha ayay baarlamanka Soomaaliyeed waxaa ay  horay u codsadeen in Baarlamanka la horkeeno labada Wasiir kuwaas oo aan maanta soo xaadirin kulanka.

Wasiirka Arimaha dibada Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo maanta aan imaan xarunta golaha shacabka  waxaana lagu haystaa sababtii ay u iibisay safaarada Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga.

Baarlamanka waxaa kale oo ay ku dhagan yihiin wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Fiqi oo isagana lagu haysto sababtii Wariyihii Bbc-da ay u xirtay maxkamada ciidamada Qalabka Sida iyo sababta wariyaha loo gayn waayay Maxkamada rayidka.

Laakiin Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari ayaa cudur daaray labada wasiir waxaana markale uu ugu baaqay inay horyimaadaan baarlamanka si loo waydiiyo su’aalo.