Xaflad lagu xusayay Xaquuqul Aadanaha oo Muqdisho ka dhacday.

Muqdisho (Caasimada Online) Xaflado  lagu xusaayo maalinta caalamiga ah ee Qaramada u asteesay Xuquuqda Aadanaha oo ku beegan 10-ka December ayaa maanta lagu qabtay magaalooyin ku yaalla Soomaaliya.

Magaalooyimka Muqdisho, Hargeysa, Garowe iyo Kismaayo  ayaa meelaha laga xusay maalintan ka mid ah.

Magaalada Muqdisho xaflad lagu qabtay xarunta Xalane oo ay ka soo qaybgaleen danjiraha Britain u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka midowga yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi iyo agaasimayaal idaacadeed ayaa looga hadlay tacadiyada loo geesto saxaafadda.

Waxa lagu soo hadal qaaday xaflada in Soomaaliya sannadkan kaliye lagu dilay 18 weriye, taasoo ka dhigeysa  Soomaaliya in ay tahay meesha kaliye ee lagu dilay wariyaasha ugu badan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa goobta ka sheegay inuu ka xun yahay tacaddiyada ka dhanka ah weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala gudaha dalka.

Wuxuu sheegay Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi in dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Danjiraha QM ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay in warbaahinta Soomaalida ay ka dhigtay dalkooda kuwa adduunka si weyn looga bar yaqaan oo caan ka ah, isla markaan waddamo hor marsan aan laga heli karin warbaahinta ka howlgasha Africa.

Sidoo kale magaalooyin kale oo ku yaalla waddanka Soomaaliya ayaa laga xusay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo Qaramada Midoobay ay xusto sannad kasta marka laga gaaro 10-ka December.

Maalintan ayaa la sameeyay 10-kii December 1948-dii, waxana laga xusaa meelo badan oo adduunka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala