Madaxweyne Xasan oo ka digay in dib loo soo celsho arrin laga gudbay

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa aysan oggolaan doonin in dib loo soo celiyo jid-gooyooyin fara badan oo dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu isaga guddoomiyaha baarlamaanka, ra’iisal wasaaraha iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuumadda ay xaley kulan qaateen xarunta madaxtooyada Villa Somalia ururada bulshada-rayidka ah.

Wuxuu yiri “ Magaalada Muqdisho waxa bishii horrey taallay lixdan isbaaro, laakin illaah ayaa mahadleh maanta hal xabo mataallo”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale hoosta ka xariiqay in dowladda ay wado qorshayaal lagu dhaqan-celinaayo kooxihii joogay isbaarooyinka la qaaday.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka codsaday ururada bulshada rayidka in ay dowladdiisa kala shaqeeyaan siddii dalka looga dhammeen lahaa falalka xun ee caadeesteen kooxaha ku la bisan dareeska ciidamada ee dadka dhibaateeya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen sheegay in uu socdo qorshayaal lagu dhisaayo xarumo lagu xareeyo kooxaha dadka dhibaateeya, si halkaas loogu hayo isla markaana lagu xannaaneeyo.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo la soo sheegayo in dib loo soo celiyay jidgooyin horrey loo qaaday oo lagu arkay degmooyinka magaalada Muqdisho.

Bishii horrey ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ku guuleesatay in magaalada Muqdisho laga qaado isbaarooyin fara badan oo lacago sharci daro ah looga qaadi jiray gaadidka dad weynaha iyo kuwa gaarka loo lee yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho