“Lacag waa diyaar” – Fariin culus oo uu Mareykanka u diray madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay doorashooyinka dalka ee 2021-ka, gaar ahaan dhammeystirka mida Aqalka Sare oo shalay lasoo gaba-gabeeyey, iyada oo si weyn u boggaadisay tallaabada la qaaday.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in haatan la joogo waqtigii la guda-geli lahaa doorashada Golaha Shacabka oo ka culus mida soo idlaatay ee Aqalka Sare.

Qoraalkan ayaa si gaar ah farriin loogu diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada oo loogu baaqay inay tixgeliyaan dalabkii Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aadanaa in lasoo gabagabeeyo doorashooyinka, ka hor dhammaadka sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka

“Waxaan soo dhaweyneynaa soo gabagabeynta doorashada Aqalka Hoose waxaa hadda la joogaa waqtigii Saciid Cabdullahi Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta Gareen ay xurmeyn lahaayeen baaqii Rooble ee ku aadanaa in doorashada Golaha Shacabka lasoo gabagabeeyo ka hor dhammaadka 2021-ka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale safaaradda Mareykanka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in diyaar uu yahay dhaqaalihii loogu tala-galay ee qaaraanka doorashooyinka, si loo dardar-geliyo hannaanka iyo qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

“Dhaqaale ayaa diyaar ah si loo dhammeystiro qayb muhiim ah oo ka mid ah doorashooyinka Golaha Shacabka, taas oo ay ugu wacan tahay khidmadaha diiwaangelinta musharixiinta ee horay looga soo uruuriyey iyo qaaraanka ay ka heleen saaxibada Soomaaliya oo uu jiro Mareykanka,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Doorashooyinka dalka oo aad uga daahay, xilligii loo qorsheeyey ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana soo idlaaday Aqalka Sare, iyadoo billow ay tahay tan Golaha Shacabka.