War kasoo baxay Amisom oo shaki weyn geliyey xukunkii dilka ee lagu riday askarta

Muqdisho (Caasimada Online) – Amisom ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in dil toogasho lagu xukumay askar ka tirsan howlgalkan oo kasoo jeeda dalka Uganda, kadib markii ay maxkamad militari ku mareen Muqdisho.

War-saxaafaded kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in maxkamadeynta oo socotay 2-dii illaa 12-kii November ay shan askari ay ku heshay inay ku lug lahaayeen dlka shacab Soomalaiyeed loogu gaystay deeganaka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose 10-kii August.

Laba ka mid ah askarta ayaa dil toogasho lagu xukumay halka saddex kale ay wajahayaan 39 oo xabsi ah midkiiba.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in askarta la xukumay loo celin doona dalkooda Uganda, si ay halkaas loogu fuliyo xukunka lagu riday.

“Askar ahaan waxaa mas’uuliyad naga saaran tahay ilaalinta nolosha iyo hantida. Howlgakeena Soomaaliya waa inaan wiiqnaa Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan. Si aan middaas u sameyno, waa inaan ilaalinaa shacabka, taasina waxay ku caddahay xeerarkeena howlgalka,” waxaa sidaas yiri taliyaha qeybta Uganda iyo taliyaha qeybta koowaad ciidanka Amisom Gen. Don Nabasa.

Taliyaha guud ee ciidamada Amisom Diomede Ndegeya ayaa isna sheegay inay xaqiijin doonaan in sida ugu adag ay ugu hoggaansamaan waajibaadka saaran inay baacsadaan sidii ay u wiiqi lahaayeen Al-Shabaab.

Hase yeeshee, hadalka kasoo baxay Amisom ayaa waxaa ku jira jumlad shaki badan dhalisay, oo ah in askarta la xukumay loo celin doono dalka Uganda halkaasi oo xukunkooda lagu fulin doono.

Waxaa markii hore la rumeysnaa in askarta lagu toogan doono Muqdisho, balse warka Amisom kasoo baxay wuxuu xukunkan u ekeysiiyey mid dhab ahaanshihiisa ay adag tahay in la xaqiijiyo.

Arrinta is-weydiinta mudan ayaa ah yaa xaqiijin doona in xukunkaas la fuliyey iyo in kale, haddii aanu noqon mid ka dhaca meel fagaare ah, taasi oo aysan u badneyn.

Xukunkan markii horeba ma ahaa mid lagu daminayey carada ka dhalatay dadkii lagu laayey Golweyn ee ehalladooda ay muujiyeen karti aysan kiiskan uga aamusin illaa ay ku guuleysteen xukunkan?

Haddii askarta la geeyo Uganda, kadib Uganda war-saxaafadeed un ku sheegto in la dilay askarta dambiga lagu helay, yaa xaqiijin kara?