Lacagta Sacuudiga uu ka helo xajka oo loogu maal geliyo dagaallada (Aqri)

Tunis (Caasimada Online) – Golaha midowga Imaamyada dalka Tuunisa ayaa ugu baaqay muftiga weyn ee dalkaas, inuu dadka ku dhiiri-geliyo inaysan sanadkan xajka aadin, sababo la xiriira qiimaha sare iyo xaqiiqda ah in lacagta xajka loo adeegsado dagaallada Sacuudiga uu ka wado dalal badan oo muslim ah.

Warbahainta dalka Tunisia ayaa ku warramay in xogahayaha guud ee golaha Imaamyada Fadhel Ashour uu yiri “Waxaa wanaagsan in lacagta lagu bixiyo in lagu hormariyo xaaladda nololeed ee dadka Tunisia”.

“Sacuudiga waxay lacagta ay ka helaan xajka u isticmaalaan gardarrada ka dhanka ah dalalka Islaamka sida Syria iyo Yemen, taasi oo ka hor-imaneysa shareecada islaamka” ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha diinta dalka Tunisia, Ahmed Adhoum ayaa horey u sheegay in sanadkan ay xajka soo codsadeen 236,000 oo qof, hase yeeshee ay bixi doonaan kaliya 10,892 qof.

Sacuudiga ayaa faro-gelin xooggan ku haya dalal badan oo islam ah sida, Falastiin, Soomaaliya, Lubnaan, Yemen, Qatar iyo Suuriya.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com