Yaa adkaaday madaxweyne Laftagareen iyo mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed?

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo maalmo qaatay una dhexeeyay madaxweyne Lafta-gareen & xubnaha mucaaradka.

Shirkan oo uu furay, sidoo kalena uu xiray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa heshiis rasmi ah looga gaaray muranka doorashada guud ee kusoo socota maamulkaasi.

Haddaba yaa adkaaday Lafta-gateen iyo mucaaradka?

Sida lagu caddeeyay heshiiska waxaa ay arinta kusoo dhammaatay sidii la filayey oo aheyd in muddo kororsiga loo daayo madaxweyne Lafta-gareen, si uu u qabto doorashada guud.

Xubnaha mucaaradka oo qaddiyaddan ka taagnaa meel adag ayaa ugu dambeyn ku qasbanaaday inay ogolaadaan halka sano ee ay xubnaha Golaha Wakiilada ugu dareen madaxweynaha, taas oo guul u ah Lafta-gareen, maadaama uu uga adkaaday mucaaradka.

Tallaabadan cusub ayaa fursad siineysa madaxweynaha oo markii horeba aan u diyaar-garoobin qabashada doorashada, isaga taasi beddalkeeda go’aan ku gaaray in uu waqtiga dheereysto, waxaana la qaatay go’aankaas madax goboleedyada kale oo ku darsaday.

Mucaaradka ayaase lagu qanciyay in doorashada la bilaabayo isla sanadkan gudihiisa, si loo dhaqan-gelo heshiiska lagu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaa sidoo kale la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed. 

“In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.

Lafta-gareen iyo mucaaradka ayaa sidoo kale isku raacay in ugu dambeyn doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo ee sanadka soo socdo 2024-ka, markaas oo la geli doono tartan aad u adag.

Si kastaba, arrintan ayaa meesha ka saareysa, walaacii laga qabay xaaladda Koonfur Galbeed oo gacan ka hadal gaartay, marii ay Baydhabo ku dagaalameen labada dhinac.