Sawirro: Maamulka gobolka Banaadir oo Buundo cusub ka hirgelinaya MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay Buundo cusub oo uu maamulkiisa ka hirgelinayo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Bundadan cusub ayaa waxaa laga dhisayaa waddada dheer ee ee Buulo Xuubey, gaar ahaan nawaaxiga iskuulka Jabuuti ee ku yaalla halkaasi.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dhismaha Buundadaan loogu tala-galay fududeynta isku socodka dad-weynaha isticmaala waddadaasi.

Duqa Muqdisho oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ee Buundada cusub ee Buulo Xuubey ayaa sheegay inay ka go’an tahay dib-u-dhiska caasimadda iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dadweynaha iyo gawaarida istecmaala wadooyinka Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshaha maamulkiisa uu ku jiro sidii loo dhisi lahaa Buundooyin hor leh oo ku cusub Magaalada iyo dib-u-dayactirka kuwii hore u jiray

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray reer Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ka shaqeeyaan horumarka nafaafadda caasimada dalka.

Dhagax-dhiga Buundadan cusub ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle.

Tallaabadan ayaa noqoneyso tii ugu horeysay oo Buundo nuucaan laga hirgelinayo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay horumar la taaban karo oo dhanka dib u dhiska ah, waxaana soo noqday adeegyadii muhiimka ahaa.