Mareykanka oo sheegay xog yaab leh oo ku saabsan al-Sudani oo lagu dilay Somalia

Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha Mareykanka ayaa xog cusub ka bixiyey dilkii ay Soomaaliya ugu geysteen Bilal al-Sudani oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish, iyo saameynta xooggan ee uu ku lahaa howlgallada kooxda. 

Al-Sudani ayaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee SEAL Team 6, waxay ku dileen howlgal qorsheysan oo toddobaadkii hore ka dhacay buuralayda gobolka Bari ee Puntland kadib muddo la raadinayey. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa xog yaab leh ka helay Al-Sudani, xilli ay baarayeen weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan bishii August 2021, xilligii ay Mareykanka halkaas kasoo baxayeen. 

Sirdoonka Mareykanka, oo markaas kadib xog dheeri ah ka raadinaya kooxda Daacish ee Afghanistan, oo weerarka fulisay, ayaa ogaaday in Al-Sudani uu madax ka ahaa shabakad maaliyadeed oo Daacish ah oo ku fidsan Afrika, Yurub illaa Afghanistan. 

Sirdoonka Mareykanka waxay ogaadeen in Al-Sudani uu ahaa maal-geliyaha laanta Daacish ee Afghanistan, uuna mas’uul ka ahaa dhimashada 13 askari oo Mareykan ah oo lagu dilay weerarkii garoonka diyaaradaha Kabul. Taasi waxay safka hore ka gelisay liiska Mareykanka ee xubnaha Daacish ee dil ama qabasho lagu doonayo.

“Al-Sudani wuxuu lacag geliyey jeebka unugyada kooxda ISIS-K ama Daacishta Afghanistan ee ka mas’uulka ahaa weerarkii ka dhacay albaabka Abbey Gate ee garoonka diyaaradaha Kabul,” waxaa sidaas yiri sarkaal Mareykan ah oo la hadlay wrageysjka New York Times.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden ayaa sheegay inuusan jirin qof kale oo ka tirsan Daacish oo lahaa awoodda Bilal Al-Sudani oo kale marka ay noqoto helista iyo qeybinta lacagaha sharci-darrada ah.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa waxay leedahay xafiis lagu magacaabo Al-Karrar oo ah xarun isku xirta howlgallada kooxda ee DR Congo, Mozambique, South Afrika, iyo dalal kale oo Afrika ka mid ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Xafiiska Al-Karrar ayaa waxaa soo geli jiray dhaqaale badan, taasi oo ka iman jirtay lacagaha sida baadda ah looga ururiyo Soomaaliya iyo Koonfur Afrika iyo dhaq-dhaqaaqyada dambiyeed ee kooxda . 

Saraakiisha Mareykanka ayaa sanadihii dhowaa la socday xiriir xooggan oo u dhaxeeyey xafiiska Al-Karrar iyo kooxda Daacish ee Afghanistan.

Mareykanka ayaa Bilaal Al-Sudani ku raad-joogay tan iyo sanadkii 2012, xilligaas oo Al-Sudani lagu soo rogay cunaqabatayn, sidoo kale waxaa la ogaaday in magaca dhabta ah ee ninkaas uu ahaa Suhayl Salim Abd el-Rahman.