Lafta-gareen oo halis ugu jira inuu xilkiisa ku waayo Roobow iyo olole socda

Baydhaba (Caasimada Online) –  Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana billowday isku day xilka looga qaadayo madaxweyne Lafta-gareen.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Gudoomiye Shariif Sheekhunaa ayaa Khilaafkoodu waxaa uu salka ku yahaa xariga Mukhtaar Roobow oo ay gacanta ku heyso Hay’adda nabadd sugida Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu kaalin ku lahaa xariga Roobow, wuxuuna amray in uu si deg deg ah usoo daayo, isaga oo sheegay in xarigiisa ay iska kaashadeen Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Lafta-gareen ku gacansayrey codsiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uuna iska fogeeyey eedeemaha loo soo jeediyey, isaga oo ku adkeystay inuusan wax kaalin ah ku lahayn xariga Roobow.

Shariif Shiikhunaa ayaa waxaa la safan Xildhibaano iyo Odayaasha Dhaqanka Koonfur galbeed ee taageersan Mukhtaar Rooboow, waxaana wararku ay sheegayaan in laga Cabsi qabo Mooshin laga keeno madaxweyne Lafta-gareen.

Xubnahan ayaa rumeysan in Lafta-gareen uu awood u leeyahay inuu madaxda dowladda ku qasbo inay soo daayaan Mukhtaar Roobow, ayaga oo sheegay in haddii lafta-gareen uu xiriirka u jaro dowladda ay ku qasban tahay inay warkiisa maqasho, maadaama aysan dooneyn maamul goboleed kale oo kasoo horjeesta.

Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamid ah waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo la hadley Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey Khilaafka oo laga cabsi qabo inuu meel xun gaaro, islamarkaana galaafto madaxweyne Lafta-gareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com