Maxaad kala socotaa sirta ka dambeysa safarka Kheyre uu maanta ku aaday Qatar?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhoofay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’isulwasaraha ayaa u dhoofay dalka Qatar oo lagu tiriyo inay Dowladda koowaad oo ay xiriir fiican la leedahay Soomaaliya.

Ra’isulwasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu dalka Qatar kulamo kula qaato madaxda ugu sareyso dalkaas oo uu ugu horeeyo Boqorka.

Sida uu sheegay Xafiiska Ra’isulwasaaraha, safarka Kheyre ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

“Ra’iisul Wasaare @HassanAKhaire ayaa saaka u ambabaxay dalka Qatar. Waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas’uuliyiinta dalkaasi,” ayaa yiri xafiiska.

Wararka qaar ayaa sheegayo inuu Ra’isulwasaare Kheyre dowladda Qatar kala hadli doono inay siiso lacago deeqo ah maadaama Dowladda Soomaaliya ay muddooyinkii dambe ka cabaneysay lacag la’aan baahsan oo soo food saartay.

Sidoo kale Ra’isulwasaaraha ayaa Madaxda dalka Qadar kala hadli doono sababta aysan weli u fulin mashaariic dhawr ah oo ay horey u ballan qaaday inay ka sameeneyso Soomaaliya.

Safarka Ra’isulwasaaraha oo aan horey loo ogeyn ayaa kusoo aadayo xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku maqan yahay dalka Sacuudiga oo uu uga qeybgalay  shir ay yeelanayeen Wadamada Carabta oo ka dhacay Magaalada Makka Al-Mukarama inkastoo la filayo inuu saacadaha soo socdo dalka dib ugu soo laabto.

Sidoo kale safarka Ra’isulwasaaraha ayaa kusoo aadayo kadib wada hadalo dhanka Taleefoonka ah oo asbuucyo ka hor dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha laga wada hadlay.

Dowladda Qatar ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya siisay 20 Malyan oo Dollar kadib markii Dowladda Soomaaliya ay Qatar garab ku siisay khilaafkii ka dhex dilaacay Dowladaha Carabta.

Dowladda Qatar ayaa la aaminsan yahay inay qeyb ka heyd doorashadii sanadkii February 2017 ka dhacday Soomaaliya markaas oo ay lacago badan ku bixisay inuu madaxweyne noqdo Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com