Wasiirka Amniga Galmudug oo shil ka badbaaday iyo waxyeelo soo gaartay ilaaladiisa

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in shil gaari oo khasaare geystay oo uu goor dhow ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug gaadiidka rogmaday ayaa waxaa saarnaa Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladda Wasiirka.

Wasiirka ayaa la sheegay inay xaaladiisa wanaagsan balse wexyeelada ay soo gaartay ciidamada ilaalada u aheyd kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Dhuusomareeb.

Masuuliyiinta Galmudug ayaa sheegay inay la tacaalayaan caafimaadka ciidamada waxyeelada kasoo gaartay shilka ka dhacay magaalada Dhuusomareeb.

Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Galmudug

Caasimada@live.com