Xubno la kulmay Farmaajo oo uga digay kulamo uu la leeyahay beelo gaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatarro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay degaanada maamulka Galmudug ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay xaaladda Galmudug.

Mas’uuliyiintaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in uu joojiyo kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo beelaha daga Galmudug islamarkaana aysan kawar qabin Xildhibaanada Baarlamaanka ee degaankaas ka soo jeeda.

Xubnahaan ayaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in Khilaafka Galmudug ee siyaasiinta uusan gaarin beelaha iyo odayaasha oo hada ka nabad ah cudurka Galmudug ee jahwareerka Siyaasadeed.

“Waan la kulanay Madaxweynaha waxaana u sheegtay in aanan ku qancin kulamadii fashilmay iyo kuwa kale oo dhacayba oo ahaa kala geynta Galmudug” ayuu Caasimada Online u sheegay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankaasi ka qayb galay.

Xildhibaanka aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo sheegay in Galmudug hadda uu ragaadiyay Xasilooni darro siyaasadeed oo ku kooban hogaanka maamulkaasi balse hadda ay dareemayaan in hoos loo dhaa-dhicinayo khilaafkaasi oo laga yaabo in degaanka saameen kale ka dhaxlo.

“waxaa noo muuqato hadii aan hadda la daba-qaban in Galmudug Khilaafkeeda hoos loo daadajinayo oo dagaal iyo musiibo kale laga rabo waana sababta aan uga dignay hogaanka dalka” ayuu yiri Xildhibaankaan la hadlay Caasimada Online oo ka cudur daartay in aan magaciisa adeegsano.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la ogaaday in uu kulamo la qaatay hal habeen laba beelood oo ka tirsan beelaha Galmudug waana sababta keentay in digniinta ay soo saaraan Xildhibaanadaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in uu aqbalay Madaxweynaha Soomaaliya joojinta kulamada aan mideesneen ee dhaqanka Galmudug la qaadanayaan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com