Lafta-gareen oo odayaasha dhaqanka siiyey digniin la xiriirta xildhibaanada cusub

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed, oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee degaanada Koonfur Galbeed, ayaa kala hadlay arrimo quseeyo xaaladda doorashada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa dhacay 23-kii bishaan oo ku beegneed Jimcihii hore waxaana hadda la helay hadal kulul oo isugu jira digniin iyo wargelin oo la siiyay Odayaasha Koonfur Galbeed isagoo kulankaas kadibna usoo safray Muqdisho.

Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in aysan aqbali doonin Koonfur Galbeed in uu tartan ka galo Xildhibaan Mucaarad ah.

“Waa muhiim inaa la socotaan xaaladda dhabta ah ee dalka, Koonfur Galbeed mucaarad waxba uma galo mana rabno inaa soo saarno qof muaacarad ah oo aan faa’iido noo laheyn xataa ma rabno inuu tartan soo galo iskaba daa inuu guuleystee,” ayuu Lafta-gareen ku yiri Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, sida aan ka soo xiganay odayaal ka tirsan kuwii kulanka ka qeyb galay.

“Aad ayaa idin xushmeeyaa, iima keeni kartaan qof mucaarad ah xataa haddii uu wiilkiina yahay haddii aad isku daydaan sidii mid kamid ah dhaqankiina ayuu maamulka go’aan idinka qaadan doonaa, liiska dhaqanka qof u qalma oo nala shaqeen kara ayaa keeni doonaa,” ayuu sidoo kale ka hor sheegay Madaxweyne Lafta-gareen.

Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Koonfur Galbeed,  waxaana sidoo kale la sheegay In looga hanjabay xarig haddii ay warbaahinta ka hadlaan ama ay xogtaan bixiyaan. Hadal heynta ugu weyn ee odayaasha dhaxdooda ayey arrintaan noqotay inkastoo aysan ka hadli karin.