27.7 C
Mogadishu
Monday, May 12, 2025

Lafta-gareen oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta ciidanka Itoobiya + Sawirro

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanada maamulkaasi, xilli dowladda dhexe ay qorsheyneyso in gebi ahaanba ciidamadaas laga saaro dalka, kuwaas oo hadda qayb ka ah howlgalka ATMIS.

Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ciidamada Itoobiya iyo saraakiishooda, kaas oo looga hadlay amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi.

“Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan looga Hadlayey Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed la qaatay Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee Qeybta ka ah Howlgalka ATMIS” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la filayo in wajigiisa labaad uu dhawaan ka billowdo gobollada Baay iyo Bakool.

Kulankan ayaa imaanaya, ayada oo maalmo dhaweyd dowladda Soomaaliya ay shaacisay go’aan ka dhan ah ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ay sheegtay in laga saarayo dalka, hase ahaatee waxaa arrintaas ka horyimid Koonfur Galbeed oo ay ka howlgalaan deegaankeeda.

Koonfur Galbeed ayaa ku dooday in ciidamadan ay ka gacan siiyaan amniga iyo dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana ay sii joogi doonaan deegananadeeda.

Sidoo kale waxa ay u mahad-celisay ciidamada Itoobiya, ayada oo ku amaantay kaalinta ay ka qaataan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Arrimahayan ayaa abuuraya xiisad horleh, maadaama Koonfur Galbeed ay si cad uga hortimid qorshaha dowladda federaalka ee ku aadan ciidanka Itoobiya ee jooga dalka.

Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Si kastaba, waxaa haatan socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.

- Advertisement -

Read more

Local News