Laftagareen oo sheegay inay qabteen mid ka mid ah raggii fuliyey qaraxii Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo u warramay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo culus oo laga sameeyey magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Lafta Gareen ayaa shaaciyey in howlgalladaas oo lagu xaqiijinayey amniga lagu soo qabtay mid ka mid ah raggii ka dambeeyey qaraxii is-miidaaminta ee Jimcihii ka dhacay halkaasi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ninka la soo qabtay uu wax ka abaabulay weerarkaasi oo lagu dilay wasiirkii cadaaladda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Marxuum Ibraahim Xasan Lug-buur iyo Wiil uu dhalay oo darawal u ahaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ku daba jiraan shaqsiyaad kale oo ku lug lahaa weerarkaas oo sidoo kale sababay dhaawaca dad kor u dhaafaya illaa 10 qof.

Cabdicasiis Lafta Gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa walaac ka muujiyey qaraxyada Al-Shabaab, wuxuuna la xiriiriyey duulaanka ay ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka.

”Qaraxyada ka dhacaya Koonfur Galbeed, waa mid ay Al-Shabaab ugu talo galeen inay indhaha kaga jeediyaan howlgalka ay ka wadaan dowlad deegaanka,” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu wado qorshe ballaaran oo wax looga qabanayo amniga, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed ayaa maalmahaan wajaheysay xaalad amni, waxaana qaraxa Baydhabo ka horreeyey weerarkii ismiidaamiinta ahaa ee isna lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka.