Sawirro: Cabdicasiis Lafta Gareen oo war la yaab leh ka soo saaray Aqalka Sare

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay munaasabad u sameeyey Senataradii lagu doortay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay qaabka ay ku billowdeen doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Ugu horreyn Lafta Gareen ayaa dardaaran u jeediyey sideeda Senatar ee Koonfur Galbeed ku metalaya Aqalka Sare, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee dalka, siiba tan deegaanada maamulkaasi, maadaama ay ku metalayaan dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Senatarada lasoo doortay ay yihiin kuwa xul ah, isla-markaana leh aqoon durugsan, sidoo kalena isugu jiro dhalinyaro, dadweyn & gabdho.

“Marka aad fiiriso senatarada sida ay kusoo baxeen, sida loo xushay & sida ay hadda yihiin waa xikmad rabbaani ah, ilaahbaa nagu toosiyay, waxa ay ka siman yihiin aqoonta, waxa ay u qaybsan yihiin saddex qaybood oo Bulshada laga rabay oo kala ah dhalinyaro, dadweyn iyo gabdhao” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale Lafta Gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaliilay qaabka markii hore loo dhisay Aqalka Sare, wuxuuna shaacaiyey in loo maray si degdeg ah oo aan laga fiirsan.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa xusay inay aheyd in saddex qorshe lagu cabbiro balse middood laguma saleyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhismaha Aqalka Sare waxaa loo maray si degdeg ah oo aan laga fiirsan, Marka aad fiiriso Aqalka sare waxa uu ka kooban yahay 54-Senatar, waxa uu ahaa in saddex qorshe lagu cabbiro balse middood laguma saleyn, waxaa lagu cabbiray 18-kii Gobol ee Soomaaliya in Gobol weliba uu helo saddex Senator & tan labaad oo ah nidaamka Aqalka Shacabka ee awood qaybsiga 4.5-ta & Dowlad-Goboleedyada oo aan loo simin balse laguma saleyn saddexdaas tallaabo” ayuu hadalkiisa raaciyey Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhaliilo xoogan ka yimaadeen doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee ka billowday maamul goboleedyada, kadib markii inta badan hoggaamiyeyaasha maamullada ay tartan la’aan soo saareen xubno iyaga daacad u ah.