Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta qaabilay Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Lafta gareen iyo Swan ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan siyaasada, amniga, mashaariicda, bini’aadanimada iyo daadejinta adeegyada dowladda.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahiyeen qodobada ay ka wada-hadleen labada dhinac, isaga oo uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Booqashadiisa Magaalada Baydhabo iyo taageerada ay la garab taagan yihiin dowlada iyo shacabka Koonfur Galbeed.
“Waxaan ka wada-hadalnay arrimaha samafarka iyo gargaarka iyo sidii wax looga qaban lahaa culeysyada soo noq-nqoday, sidaas oo kale waxaan ka wada-hadalnay arrimaha amniga iyo la dagaallanka argagixisada” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka wada-hadeen in laga wada shaqeeyo dowladnimada iyo in horay loo socdo, si loo gaaro Soomaaliya oo barwaaqo iyo ami ah.
“Waxaan kale oo aan isla garanay in laga wada shaqeeyo hormarada dowladda, horayna loo socdo wax allaala wixii wanaag ahna la taaba geliyo” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.
Kulankan waxaa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ku wehlinayey Wasiiro, La Taliyaal iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed.
Maalmihii u dambeeyay James Swan oo mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waday kulamo wada tashi ah oo uu la qaadanay madaxda Soomaaliyeed, si hore loogu wada shaqeynta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Qaramada Midoobay.