Laftagareen oo u jawaabay mucaaradka – “BADBAADO kama shaqeyneyso K/G”

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo xalay u dabaal-degay sanad guuradii afaraad, kadib markii loo doortay xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, sida doorashada iyo doodda mucaarad kasoo horjeedo.

Ugu horreyn wuxuu si adag uga horyimid Badbaadada Koonfur Galbeed oo shalay looga dhowaaqay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, wuxuuna tilmaamay inuu ka xun yahay abaabulka qorshahaasi sidoo kalena xusay in aysan ka shaqeyn karin Baydhaba.

Laftagareen ayaa shaaca ka qaaday in kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed looga baahan yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada maamulkaasi.

“Badbaadada Koonfur Galbeed wax la yiraahdo ma jiraan, Badbaadada Koonfur Galbeed ninka raba Shabaab ayaa heystee haka badbaadiyo” ayuu yiri Cabdicasiis Laftagareen.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta mudda kordhinta ee maanta u bilaabatay, taas oo ay ka taagan tahay dood ay qabaan xubnaha mucaaradka ee jooga Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dooday inay arrintaan ay tahay go’aan Baarlamaan, isla-markaana kaliya uu ka laaban karo isla Baarlamaanka.

“Mas’uuliyadda muddo kordhinta waxaa iska leh Baarlamaaanka, maalinta berri ah wixii ay  Baarlamaanka ka qabaan ayaan ka qabaa. Shalay habkii loo maray ayey u baahan tahay in loo maro, haddii la rabo in la’iska daayo,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey Laftagareen.

Waxaa kale oo uu khubaddiisa oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ku yiri “Qof xanaaqsan sharciyadeena iyo dowladnimada waxba kama beddeli karo”.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalada cakiran oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka, balse waxaa loo ballansan yahay shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo dhacay shanka bisha  January ee sanadka 2023.