Lamaane is-qabay oo lagu dilay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa xalay dil ugu gaystay lammaane is-qaba xaafada Farxas-kule ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xili ay kusii socdeen gurigooda.

Sida ay sheegen dad deegaanka ah, kooxda dilka geysatay ayaa islamarkiiba ka baxsaday goobta kadib markii ay toogteen labada qof ee lamaanaha ah, ayada oo goobtaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska.

Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Maxamuud Muuse Ismaaciil iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Shukri Xasan Maxamed Tima-cade

Taliyaha Booliska gobolka Sool, Cali Axmed Shire oo la hadlay VOA ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay dhacdadaas, asaga oo sheegay inay dad dhowr ah u soo xireen falkaas, islamarkaana ay socoto baaristiisa.

“Waxaa u tacsiyadeynaya labada marxuum ehelkooda, qaraabadooda iyo qaranka jamhuuriyada Somaliland, falkaas foosha xun ayaa xalay ka dhacay gobolka Sool, koley dadna waa u xir-xiran yihiin oo baaristii waa socota ka hor dhici mayno, waxna waa daba socona,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay bulshada reer Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool dadka ku nool inay nabad-gelyada gacan ka siiyaan laamaha amaanka, si loo xaqiijiyo amaanka guud ee gobolka.

“Waxaa ballan-qaadeyna in aan si hagar la’aan ah ugu shaqeynayno, ayagana waxaa ka codsaneyna inay la shaqeeyaan Booliska, oo nabad-gelyada la ilaaliyo.”

Dilka loo geystay labada marxuum ee lamaanaha ahaa ayaa noqonaya kii labaad ee bil gudaheed ka dhaca magaalada Laascaanood, kaasi oo illaa hadda la garanayn cidii gaysatay.

Somaliland ayaa hore falalka amni xumada Laascaanood ugu eedeysay dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliyada, ayada oo bishii Oktoober ee sanadkii hore magaaladaas ka tarxiishay kumanaan qoysas ah, taasi oo ay cambaareyn xoogan kala kulantay.

Si kastaba, Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa weli ka dhaca falal amni daro oo ay ugu horeyso dilalka ku dhufo ee ka dhaqaaqda loo yaqaano.